Under Constructions
Home » Local News » News 1 » Xafladda 1 July -Melbourne Australia- Sawirro

Xafladda 1 July -Melbourne Australia- Sawirro

Maalintii Sabtida ahayd 9 July  ayaa waxaa xaflad ballaaran oo lagu xusay looguna dabbaaldagayo Birima Luulyo dhalashadii Soomaaliya lagu qabtay magaalada Melbourne ee waddanka Australia.
Xafladdan waxaa soo qabanqaabiyey Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee AUST Somali Women Healthcare Community Foundation INC.Iyada oo ahayd markii ugu horreysay muddo dhowr sannadood ah oo xaflad noocan ah lagu qabto magaaladan ayaa waxaa looga soo qaybgalay si aad u ballaaran.Dadka halkaa isugu yimi oo ay ka muuqatay qiiro wadaniyad aad u xooggan ayaa waxay garbaha iyo gacmahaba ku siteen calaka Soomaaliyeed.Dhanka kale waxaa iyana ka soo qayb galay martisharaf fara badan oo ay ka mid yihiin maamulka dowlada, madaxda xaafadaha Soomaalidu ku nooshahay iyo xubnaha hawlwadeenada jaaliyadda Soomaaliyeed.

Waxaa khudbad qaayo leh halkaa ka soo jeedisay, gudoomiyaha ama Chairperson HAWA DEL, oo ay ku xusuusinayso martidii halkaa isugu timi qiimaha iyo ahmiyadda ay leedaha maalinta 1da Luulyo ama 1st July. Waxaa kale oo ay XAAWA DHEEL ay ka hadashay wax qabadka ururka haweenk iyo mashaariicda ay damacsanyihiin in ay mustaqbalka fuliyaan, oo ay ka midd tahay, taakulaynta dadka tabaalaysan ee guud ahaan waddanka soomaaliya.
MADAALE.COM 2011

HAWA DEL

AUSTRALIAN SOMALI WOMEN HEALTHCARE
COMMUNITY FOUNDATION INC.

86/33 Alfred street
North Melbourne vic 3051
Phone: 0402163800



 

 

 

 

 

Xaawo Dheel , Second left in Blue iyo marti sharaftii qaar ka mid ah

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Haybad waxaad ku leedahay, dhulkaaga hooyo