Under Constructions
Home » Local News » News 1 » Xafladda Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud – Australia

Xafladda Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud – Australia

Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay xaflad ballaaran Magaalada Melbourne ee wadanka Australia.

Xafladdaas oo loogu dabbaal dagayey laguna soo dhoweynayey Madaxweynaha cusub Mudane Xassan sh Maxamud, gudoomiyaha baar lamaanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo guud ahaanba xildhibaanada baarlamaanka cusub.

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia, Dibadda hoteelka lagu qabtay xafladdan ayaa waxaa laga lulay calanka soomaaliyeed. masuuliyiin, culamaa’udiin, haween iyo shacab fara badan ayaa halkaa ka soo jeediyey khudbado qiira galiyey martidii ka soo qayb gashay xafladan.

Waxaa sidoo kale si toos ah khadka taleefoonka kula hadla bulshada Soomaaliyeed ee Australia ku dhaqan, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari

iyo Xildhibaan DR Maryan Cariif Qaasim. Waxaa al labadooduba ku booriyeen shacabka soomaaliyeed

iyo hiil iyo hooba ay la garab istaagaan madaxweynaha iyo dowladdiisaba,qof walba oo soomaali ahna uu gacan ka geysto dib u dhisidda dhulkoda hooyo.

Xafladdan oo dad aad u fara badan ka soo qaybgaleen ayaa waxaa lagu soo bandhigay

Heeso, Riwaayad iyo Suugaan fara badan oo uu ka mid ahaa Gabay loo tiriyey Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud oo uu allifay abwaan/Garyaqaan Dr Abdiwali Faarax Qambi iyo suugaan kale oo fara badan.

guud ahaan waxaa adka ka muuqatay qiiro wadaniyad iyo midnimo waxaana Ilaah loo baryey in xaaladda soomaalid ku jirto Alle uu ka saaro dowladanna uu ka dhigo mid lagu diirsado.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Haybad waxaad ku leedahay, dhulkaaga hooyo