Under Constructions
Home » Local News » Xafladii Khaatumo 2014 Brisbane Australia

Xafladii Khaatumo 2014 Brisbane Australia

IMG_9738
Munaasabad Lagu Maamuusayay Sanadguuradii Labaad Ee Maamulka Khatumo Oo Lagu Qabtey Magaalada Brisbane ee GOBOLKA Queensland Australia

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Sanad-guuradii Labaad ee ka soo wareegatay aas’aaskii maamulka Khaatuma State ayaa lagu qabtay 7/03/2014 magaalada Brisbane ee Waddanka Australia, Waxaana ka soo qeyb galay madaxda jaaliyadda, Aqoonyahanno, waxgarad iyo dadweyne farabadan oo ka kala yimid gobolo badan oo ka tirsan waddankan Australia.

Waxaa laga hadlay taariikhda Khaatumo iyo doorkii weynaa ee ay ku lahaayeen la dagaalankii gumeystaha. Waxaa si gaar ah loo xusay waqtigii Sayid Maxamed iyo Daraawiishta. Waxgaradka Reer Khaatumo ee Ay ka Midka yihiin Mohamud Mohammed Ali Darman Iyo Mohamud Dahable ayaa Halkasi ka soo jeediyay hadalo Qiimo badan oo ku saabsan Munaasabadan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Soomaali kasoo jeedda gobolo kale oo dhamaantood sheegay in ay taageersanyihiin maamulka Khaatumo. waxaana la tilmaamay in ay Khaatumo u dagaalameyso in aanan Soomaali la kala goyn.Waxaa goobta laga qaaday heeso cusub oo lagu amaanayay Khaatumo. Waxaa sidoo kale laga tiriyay gabayo kiciyay dadka shucuurtooda. Iyadoo lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee Khaatumo State.
1798093_10202562900286813_2130054984_n
Munaasibada Balaadhan Ayaa waxaa Soo Qaban Qaabiyey Gudiga qabanqaabada sanad guurada labaad ee Khaatumo State oo uu hormood ka ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Somalida ee Gobolkan Queensland Dr Hussein Ali Ahmed Kawir, maskaxdii Iyo Fikraddii ka danbaysay Qaban qaabada Munaasabadan oo Ay ugu Horrayso Marwo Sacdiyo Sheekh Hassan Hussein( Sacdiyo Khaatumo ), oo iyadu ahayd maskaxdii Iyo Fikraddii ka danbaysay Munaasabadan qiimaha badan.
Bulshowaynta Reer Khaatumo ee Kasoo Qayb Galay Munaasibadan Balaadhan Ayaa Halkaasi Waxay Kasoo Jeediyeen Qudbado Dhinacyo Badan Taabanaya, Waxaana Sidoo kale Madasha Lagu guddonsiiyay Shahado sharafyo aad u Qiimo badan xumnihii soo qabanqaabiyay xafladdan oo kala ah:)
1- Marwo Sacdiyo Sh Hassan Hussein( Sacdiyo Khaatumo)
2- Tiriig Ahmed Adan
3- Umalkhayr Mohamed Ali Durran
4- Saado Yusuf
5- Abdirisak m Hassan (Salah)
6- Mubarik Abdillahi Hassan
7- Garad Ibrahim Wade
9- Osman M Hirad Iyo Dr Hussein Ali Ahmed .
Fannaanadda Qaranka Somaliyeed Mama Fadumo Nakruma Iyo Kooxda Somali Peace Band oo uu hor kacayo Musician Iidle Farah Gaas, Sahra wacan,Abdihakiim Raaxeeye,Riyal Jamac, Mohamud Warsame, Abdinur Mohamed Balayax, Camera Man well known in Australia Mr Madaale Iyo fanaaniinta Reer Brisbane ayaa wacdaro Halkasi ka dhigay noqonaysana Markii ugu horraysay ee xaflad nocan ah oo kale laga soo abaabulo waddankan Australia.
Dhawaan waxaan soo Gudbin doonaa full Video thanks
Wa bilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Jaaliyadda Khaatumo ee Gobolk Queenslanad
Mudane Mubarik Abdillahi Hassan

IMG_9399

IMG_9431

IMG_9587
IMG_0012

IMG_9688

IMG_9989

IMG_9845

IMG_9773

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Haybad waxaad ku leedahay, dhulkaaga hooyo